Qodob ka dhiman deyn cafinta oo hogaanka dalka wali ku heshiin

Image
Bangiga Adduunka ayaa hay’addan u haya malaayiin doolar oo lacag ah oo lagu kicinayo, loogu dhisayo xarun weyn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhowaan madaxweynaha Federaalka ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay in meel gebogebo ah ay marayso arrintii deyn cafinta oo uu sheegay in ugu dambeyn muddo kooban gudaheed Soomaaliya laga wada cafin doono intii ka dhinayd $5 bilyan oo qaan ah.

Madaxweyne Xasan oo dhanka kale ku dhawaaqay in maamulkiisu qaadan doono boqolaal bilyan deyn ah ayaa hawsha deyn cafinta ku amaanay xukuumadda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare.

Balse sidaasi ay tahay, xog ayaa sheegaysa in madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha aysan weli isla meel dhigin qodob weyn oo shuruud u ah deyn cafin dhamaystiran, kaas oo ah samaynta iyo hawlgalinta hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID).

Waxaa bilihii ugu dambeeyay ka socday xafiisyada sarsare olole ay hormuud ka yihiin xildhibaanada, taas oo la doonayo in shaqsiyaad kala duwan loogu magacaabo xilka agaasimaha hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

Bangiga Adduunka ayaa hay’addan u haya malaayiin doolar oo lacag ah oo lagu kicinayo, loogu dhisayo xarun weyn, laguna keenayo qalab casri ah iyo qubaro, waxaana barbar socda mushaaraadka iyo tabobarka shaqaalaha.

Xamse ayaa la sheegay in uu qof la doonayo xilkani kaasoo magaciisa la ogyahay, balse aanan shaacin karin si aynaan uga hordhicin, iyada oo dhanka kale la fahamsan yahay in kooxda madaxweynaha ay qof kale la doonayso, iyaga oo ka dhex arka fursad lagu samayn karo dhaqaale badan.

Sikstaba ha ahaatee, Is-qabqabsigan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu saameyn ku yeesho barnaamijka deyn cafinta isla markaana uu dib-u-dhac ku keeno gabi ahaanba geedi-socodka oo ay qeyb ka ahaayeen dhamaan xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay tobankii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM