Qodob "ku jira" natiijadda shirka Muqdisho oo la shaaciyey

Image
Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka horudhacdey war-murtiyeedka rasmiga ah ee is-araggan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qodobada kasoo bixi doona kulanka golaha wadatashiga qaranka ee laba casho kahor ka bilowdey Muqdisho waxaa kamid ah waqtiyeynta doorashada, sidda ay sheegtay xukuumadda.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta oo ka warbixiyey maalintii saddexaad ee shirkan, ayaa tibaaxay in hogaamiyeyaasha ay si furan uga doodayaan ajandayaasha.

Sida laga soo xigtey Macalimuu, qodobadda ay maanta madaxda diiradda saareen waxay kala yihiin; ammaanka doorashooyinka, hufnaanta geedi-socodka iyo soo saarida jadwal loo mideysan yahay.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa go'aaminaya shirkan oo si weyn ay isha kugu haayaan dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda.

"Madaxda markii ay dhageysteen qeybihii kala duwanaa ee bulshadda - shalay iyo maanta oo ay ugu dambeysay ururada bulshada rayidka - waxay si furan uga doodayaan soojeedinta dhinacyadda," ayuu tibaaxay.

Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda iyo wakiiladda beesha caalamka ayaa kamid ah darafyadda ay arkeen shalay. Wararku waxay xusayaan in loosoo jeediyey in ay ku dedaalaan cadaalada iyo hufnaanta coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM