Qodobada ay tahay in Soomaaliya diirada saarto 20-ka sano soo aadan
MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa soo bandhigay qodobo ay tahay in ay diirada saaraan madaxda Soomaaliya "20-ka sano ee soo aadan” si xal looga gaaro caqabadaha horyaalla dowladnimada Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leeyihiin qodobada dhismaha hay’adaha dowladnimada Soomaaliya, amniga oo laga shaqeeyo, cadaallada oo wax laga qabto iyo adeegyada bulshada oo laga soo celiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarka dowladnimada Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inla weeraray guriga Fahad Yaasiin Daahir. Kaliya waxaa dhacay in askarta laga qaadey maadaama uu shaqada ka tagay ninkii ay ilaalinayeen waana qodob sharci ah in lagu soo celiyo".
“Ninka ahaa taliyihii hore gurigiisa waxaa joogtay askar gaaraysa ilaa 30 askari ciidankaas ayaa la faray in soo xaroodaan” ayuu yiri Xildhibaanka oo cadeeyay in ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyay baraha bulshada.
Dhanka kale GO oo la hadlay sarkaal ka tirsan hay'adda NISA oo diidey in magaciisa aan shaacino xaalada jirta awgeed ayaa beeniyey in ay jiraan ciidamo tagey guri agaasimhii hore ee hay'adda.
“Waxaa amar la siiyey sarkaalka xakuma ciidamada Ilaalada u ahaa agaasimhii hore ee hay'adda iney ku soo xeroodaan xarunta hay’adda.” ayuu GO u sheegey sheegey sarkaalkaan.
Sarkaalkaan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sheegey "ciidamada laga soo kexeeyey aqalka agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa tiradooda waxay gaareysay Sodon askari oo ah kuwa sida gaarka u tababaran iyo Labo gaari.”
Sida warsidaha GO ogaadey ciidankaan ayaa waxaa hay’adda NISA u tababarey Dowladda Talyaaniga kuwaas oo si gaar ah ugu tababaran ilaalinta agaasimaha guud ee Hay’adda.
Dhinaca kale wararka la helyo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya in hay’adda NISA agaasimiheedii hore gurigiisa lagu sooreebey Hal gaari iyo 8 askari.
Madaxweynaha la doortey Xasan Shiikh ayaa markii uu xilka la wareegay u magacaabey agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya Xildhibaan Mahad Salaad.
Mahad Salaad oo ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa siyaasiyin aad ugu dhow Madaxweynaha la doortey ee Xasan Shiikh.
Agaaaimhii hore ee hay'dda NISA oo dalka hadda ka maqan ayaa magaalada Muqdisho ka dhoofey maalin ka hor inta uu Madaxweyne Xasan Shiikh galin VIlla Somalia.
GAROWE ONLINE