Qof ku dhaawacmay diyaarad ku burburtey garoonka Muqdisho

Image
Wadar ahaan, 34 qof ayaa saarnaa diyaaraddan oo ka timid caasimada Puntland ee Garowe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa waxa uu ku dhaawacmay shil diyaaradeed oo Talaadada maanta ah ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shilkan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii diyaarad nooceedu ahaa E120 isla markaana u shaqeyneysay shirkadda Halla Airlines ay burburtey xilli ay ku ordeysay dhabaha caga-dhigashadda.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu caddeeyay in diyaaraddan ay ka timid magaalada Garowe isla markaana ay saarnaayeen wadar ahaan 34 ruux.

Afar kamid ah dadka la socdey diyaaradda ayaa ahaa shaqaalaha oo uu ku jiro duuliyaha halka 30-ka ruux kalana ay ahaayeen rakaab kuwaas oo badankooda ahaa dad shacab ah.

"Waxaan bilownay baaris ku saabsan waxa sababay shilkan diyaaradeed," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka hay'adda duulista rayidka kaas oo aan lagu bixin fahfaahin dheeraad ah.

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-ga ayaa muujinaya gaadiidka gurmadka degdeg ah oo kusoo cararaya meesha ay wax ka dhaceen si ay caawiyaan rakaabka waxyeelada gaartey.

Sanadkii hore bishan oo kale, diyaarad ay leedahay shirkadda Jubba Airways ayaa ku burburtey madaarka Aadan Cadde xilli ay dooneysay in ay soo caga-dhigtey. 33 rakaab ayaa saarnaa waxayna ka timid gobolka Baay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM