Qoor-Qoor oo Galmudug ka maqan xili xiisad ay ka jirto, hubna gacanta u galay shacab

Image

DHUUSAMAREEB - Xaaladda Galmudug ayaa sii xumaanaysa, kadib markii hub aad u badan oo ka yimid Itoobiya maalmo kahor uu gacanta u galay shacabka Caabudwaaq, taasii soo kordhisay walaaca laga qabo inuu dagaal beeleed kale qarxo.

Iyadoo Galmudug hadda ku jirta xaalad hubanti la'aan ah, dhanka doorashadda, amniga iyo dhaqaalaha, ayaa haddana madaxdii sare ee maamulka  oo uu kamid yahay Madaxweyne Qoor-Qoor dhamaantooda ay ka maqan yihiin magaaladda Dhuusamareeb.

Qoor-Qoor oo mudo xileedkiisa dastuuriga dhamaadey, ayaa ku sugan Muqdisho, waxaana Madaxweyne ku-xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka iyaguna ku jiraa safaro dibadda ah xili shacabka Galmudug ay ka sugayeen inay wax ka qabtaan xiisadda dagaal iyo xaaladaha kale ee jira.

Hubkii reer Caabudwaaq qabsadeen, ayaa dhaliyay khilaaf hor leh oo u dhaxeeyay Villa Somalia iyo Maamulka Qoor-Qoor, oo soo kala saarey war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda, oo ka muuqda midba midka kale inuu eeda dayacaadda hubka ku leexinayo.

In ka badan 12 qof ayaa ku dhintay dagaal dhexmaray Ciidankii la socday labada gaari ee hubka iyo malleeshiyada degaanka, waxaana hadda loo diray Caabudwaaq askar badan oo raba inay xoog kusoo celiyaan hubka, oo la ogyahay in loo qeybiyay dadka shacabka ah, aadna u adag tahay in laga soo qaado.

Galmudug waxaa la degay dagaal beeleedyo soo noq-noqday, dilal la xiira aanooyin qabiil, iyo khatarta Al-Shabaab ku hayso amniga gudaha, maadaama kooxda ay hadda dib usoo rogaal-celinayso oo weeraro ku qaadayo degaanadii horey looga saarey oo qaarkodo dib u qabsatay, sida Koonfurta Mudug kuwa ku yaalla.

Gollaha Badbaadada Galmudug oo bishii June looga dhawaaqay Muqdisho, ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha taagan, waxayna ku eedeeyeen Qoor-Qoor inuu ku fashilmay waajibaadkii loo igmaday iyo balan-qaadkii kusoo galay doorashadda ee ahaa dib u heshiisiin iyo isku duubni ay ku naaloodaan shacabka reer Galmudug.

Indhaha oo dhan hadda Galmudug ayay kusii jeedaan, gaar ahaan Caabudwaaq oo arinta ka dhacday ay qabsatay Warbaahinta Caalamka, waxaana Mareykanka loo gudbiyay warbixin aan sawir fiican ka bixinayn xaaladda dalka, oo Bishii December laga qaadey cunaqabateyntii hubka ee saarnayd tan iyo 1992-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-06-2026

  • 12:42PM

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM