Qoorqoor oo kulan siiyey Warsame, Kulane-Jiis iyo Saadaq Joon

Image
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa “is cafin”, sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay saq-dhexe kulan foolka fool ah isugu keenay siyaasiga hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis) oo saddexdooduba loo doortay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa “is cafin”, sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug oo qoraal kooban kasoo saartay kulankaasi.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa kula dardaarmay saddexdaan xubnood in ay ka shaqeeyaan horumarka dalka, gaar ahaan in ay si dhab ah baarlamaanka ugu metelaan Galmudug.

“Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa waxaa cadaawad dhinac weliba leh kala dhexeysay labadaan nin oo ka mid ah kooxda sida weyn ula shaqeyso madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saadaq Joon ayaa lagu xasuustaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isaguna lagu dhaawacay, kadibna la xiray, isaga oo mar dambena la siidaayay.

Kulane ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee NISA ayaa lagu eedeeyay in uu masuul ka yahay Caburinta siyaasiyiinta, weerarkii dowladu ku qaaday gobolka Gedo iyo dilkii Ikraan Tahliin, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ee aadka ugu dhow Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Si kastaba, saddexdaan xubnood oo lagu wada doortay Dhuusamareeb, kuna cusub Golaha Shacabka ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad dalka, kaasi oo soo dooran doono madaxweyne cusub.

Baarlamaanka cusub ayaa waxaa ku soo badanaya wejiyada is diidan, iyadoo ay kuraas ku guulaysteen rag qaarkood la kala safnaa dhinacyadii Muqdisho ku dagaallamay horraantii 2021, kadib muddo kordhintii uu isku dayay Farmaajo April 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM