Qoorqoor oo qaylo-dhaan u diray beesha caalamka

Image
Image
Madaxweynaha Galmudug ayaa ka dalbadey saaxiibada caalamka wax ka qabashada xaalad taagan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir sacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaanada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa kusugnaa hayadaha gaargaarka sida UN-ka, kuwa caalami ah iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaanada Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay  Wasaaradda Gargaarka, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona wasaaradaha iyo hayadihii kasoo qeyb galay kulanka ay isla jeexjeexeen saameenta abaarta ay kuyeelatay Galmudug.

Qoorqoor ayaa waxaa uu sheegay in abaarta ay saameesay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo kusugan degmooyinka iyo deegaanada Maamulka Galmudug, iyadoona Madaxwaynaha uu uga mahad celiayay howsha ballaaran oo ay wadaan wasaaradaha Galmudug iyo hayadaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.

Madaxwaynaha ayaa xusay in dadka xoolaha haystay ay qaar uga udhinteen biya la'aan, halka intii soo hartana ay u taag waayeen maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana Madaxwaynaha sidoo kale uu soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay uxirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la'aan kusoo wajahday ardaydii dhiganaysay.

Madaxwaynaha oo baaq udiray hayadaha caalamiga ah ayaa ka dalbadey in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax kaqabashada abaaraha xoogan ee saameeyay Galmudug, waxana Madaxwaynaha uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka kasoo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.

Ugu danbayn, madaxwaynaha ayaa sheegay in abaartu ay ka dhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoona suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la'aanta iyo biyo la'aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah maadama ay Galmudug kow katahay deegaanada ay abaartu saameesay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM