Qormadda Fahad oo "u xambaartey Farmaajo toban dambi"
MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag wuxuu u naqdiyey faalladda la sheegay in uu qoray Fahad Yaasiin Daahir ee shalay hareeyay baraha bulshadda.
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa rumeysan in qormadda ay caddeyn u tahay in Fahad iyo Farmaajo wadaagaan mas'uuliyada xadgudubyada 5-tii sano ee lasoo dhaafay.
"Qoraalka taliyihii hore ee nabadsugidda marna xukuumadda iyo Baarlamaan laguma soo hadal qaadin. Dawlad Goboleed warkeeda daa. Wuxuu sheegay in qorshaha Madaxweynaha lagu hagayey sirdoonka, in uu isagu rafiiq (wehel) u ahaa, halbeega guushana welwelka farxada Madaxweynaha ayuu ka dhigay," ayuu hoosta ka xariiqay Warsame.
Sida laga soo xigtey wasiirkii hore ee qorsheynta, maadaama Fahad sheegay in shaqadda hay'adda sirdoonka ku hagayey rabitaanka Farmaajo, madaxwaynihii hore wuxuu dusha u ridanayaa gabood-faladaas.
Warsame ayaa soo bandhigay tobban dhacdo waaweyn kuwaasoo shantii sano ee lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey kuna sheegay in ay muujinayaan in Farmaajo uu si gaar ah mas'uul uga noqonayo.
Dhacdooyinka ayaa waxay kala yihiin;
1-Itoobiya loogu dhiibay Qalbidhagax.
2-Weerarkii ay NISA ku qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.
3-Weerarradii lagu qaaday Hoteelkii ay labada Madaxweyne iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaan deganaayeen.
4-Weerarkii Mukhtaar Rooble lagu soo afduubay
5-Shacabkii iyo madax kale oo iyagoo dibadbaxaya la weeraray.
6-Awooddii ciidan ee guddoomiyihii Baarlamaanka xilka looga tuuray, kii kalana lagu madiidiyey.
7-Wiilashii Soomaaliyeed ee lagu soo xero geliyey in Qatar loo qaadayo, ka dibna dagaalka Tigreega lagu guray
8-Dilkii Ikraan Tahliil iyo is hortaagii caddaalad u raadinteeda.
9-Isku daygii Raysalwasaare Rooble lagu afganbi rabay.
10-Isku daygii Madaxweynaha Jubbaland lagu soo qafaalan rabay, iyadoo kumaandoos dawlad kale la adeegsanayo.
"Koleey qoraalku kama marna dacaayad olole ee Farmaajo iyo ha la i xusuusto. Mar haddii adigoo dadka loogu hadalhaynta badan yahay ah, lehna saamayn wayn, mar qura burjigaagu jabo, aadna wayso cid warkaada haysa, waxaa kugu dhacaya cudur la yiraahdo “Is waayid”. Waxaadna ku qasban tahay in aad isi soo muujiso oo aad hawshadii hore ku laabato," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.
Ka sokow in uu yahay gacanta midig ee Farmaajo, Fahad oo hadda ah lataliyaha ammaanka qaranka ayaa maamulkan waqtigu ka dhamaadey kasoo qabtey agaasimaha madaxtooyadda iyo taliyaha guud ee hay'adda NISA.
GAROWE ONLINE