Qorshaha maaliyada ee dowladda Xasan Sheekh oo la sharaxay
MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Aadam Hosow, lataliyaha dhaqaalaha madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Garowe Twitter Space ayaa sharaxay qorsheyaasha dhanka maaliyadda ee dowladda cusub.
Xasan oo socdaalka ku wehliyaha madaxweynaha ayaa ugu horayn cadeeyay in madaxweynuhu Baydhabo u tagay si uu shacabka u gaarsiiyo fariin nabad iyo u heshiinsiin bulshada ah isaga oo balanqaaday in si deg deg ah wax looga qabanayo abaaraha iyo amni darada ka jirta guud ahaan Soomaaliya.
Lataliyaha dhaqaalaha madaxwaynaha, Hosow ayaa cadeeyay in madaxweynaha uu amniyad gaar siinayo kobcinta dhaqaalaha dalka, hagaajinta nidaamka canshuurta iyo dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka sida isla xisaabtanka, korjoogtayda hay’adaha maaliyada dalka iyada oo loo marayo siyaasada golaha fulinta ee dalka lagu hoggaaminayo.
“Qorshaha madaxweynaha ee 100 maalin waxaa ku jira in horumar laga gaaro dhaqaalaha, dhamaystirka dayn cafinta iyo taabagalinta awooda shaqo abuur ee dowladda” ayuu yiri Hosow oo hadalkiisa raaciyay “dib u habaynta hay’adaha maaliyada oo ay ku jiro Bangiga dhexe iyo dhismaha hay’ado maaliyadeed’.
Xasan Aadan ayaa sheegay in hindihii ugu horeeyay ee madaxweynuhu uu ku dhawaaqay uu ahaa shaqo abuur dhalinyada uu rajaynayo in sidii loogu talagalay loo amba qaado.
Xasan Sheekh oo la doortay 15 May ayaa kulan la yeeshay madaxda hay’ada MIF iyo bankiga aduunka isaga oo kala hadlay dayn cafinta Soomaaliya.
Xasan Sheekh iyo kooxda shaqaalaha IMF ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib u eegista labaad iyo saddexaad ee barnaamijka dhaqaalaha Soomaaliya oo ay taageerto Hay’adda Lacagta Adduunka (ECF). Heshiisku wuxuu ku xiran yahay inuu ansixiyo Guddiga Sare ee IMF.
Si kastaba ha ahaatee caqabadaha jira 18-kii bilood ee la soo dhaafay, barnaamijka ay Soomaaliya taageerto IMF ayaa weli ah mid ku socda qaabkii wanaagsanaa, iyadoo horumarka joogtada ah laga gaaray dib-u-habaynta muhiimka ah, oo ay ku jiraan abaabulka dakhliga gudaha, xoojinta maamulka maaliyadda dawladda, qoto-dheeraynta awoodda CBS, iyo horumarinta maamulka.
GAROWE ONLINE