Qorshaha soo celinta askarta loo qaadey Eritrea oo dib u bilowdey

Image
Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa lagu wadday in ay soo gurya noqdaan.

WASHINGTON, USA - Dowlada Soomaaliya ayaa cusbooneysiisay dedaalada soo celinta 5-ta kun askari ee lagu tababaray Eritrea, sida ay muujiyeen warar laga helayo illo wareedyo dhanka sirdoonka ah.

Warbixinta oo lagu soo xigtey saddex sarkaal kala duwan kuwaasoo magacyadooda ka gaabsadey "cabsi shaqo ka joojin awadeed" ayaa xusaysa in askartaas lasoo celin karo 2-da ama 3-da asbuuc kadib.

Qorshaha ayaa ahaa in askartaas lasoo celiyo bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay balse waxaa loo baajiyey "cadaadis diblumaasiyadeed," sida uu wariyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

"Dib-u-dhacyo kale waa suurtagal," ayay warbixintu raacisay. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in dib-u-dhigyadan ay ku imaanayaan go'aano ay isla qaadanayaan hogaamiyeyaasha labaddan waddan.

Tirada saxda ah ee ciidamada Soomaaliya loogu tababaray waa 5,167. Warbaahinta qaar waxay warinaysaa cadad intaas ka badan. Askarta waxaa Muqdisho laga qaadey August, 2019 iyo June, 2020.

Tababarkan ayaa ku yimid "heshiis qarsoodi ah" oo dhexmaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya balse wali xafiiska ku jooga "si sharci darro ah" Farmaajo iyo hogaamiyaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Saxaafadda ayaa tabisay in ciidamadda Soomaaliya ee lagu tababaray Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalka Tigray, balse dowladda Soomaaliya waxay si weyn ugu gacan-seyrtay sheegashooyinkaas.

Qaramada Midoobay, hay'addo madax-banaan iyo hogaamiyeyaasha Tigray ayaan bixin caddeyn muuqata oo ku saabsan in ciidamadda Soomaaliya ay ka dagaalameen gobolkan ku yaala waqoyga Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM