Qoysas Ka Barakacay Dagaalada Baladxaawo oo Soo Gaaray Magaalada Mandheera

Image

MANDHEERA, Kenya – Waxaa sii kodhaya tirada qoysaska ka barakacaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Mandheera ayaa sheegtay in saacadahii lasoo dhaafay ay halkaasi gaareen ku dhawaad 200 oo qoys oo ka soo cararay Baladxaawo. Qoysaskan ayaa u badan haween, carruur iyo dad da’ ah.

Qaar kamid ah dadka barakacay ayaa sheegay inay guryahooda uga soo carareen cabsi la xiriirta rasaas culus iyo hubka waaweyn oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac ee dagaallamaya.

Waxaa la dejiyey qaar kamid ah barakacayaasha xarumo waxbarasho oo ku yaalla Mandheera kuwaas oo si ku meel gaar ah loogu beddelay xeryo lagu quudiyo dadka, halka kuwo kalena ay la degeen qaraabadoodii horey ugu noolaa magaalada.

Mas'uuliyiinta gobolka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo siiyo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah. Waxay sheegeen in xaaladda dadkaasi ay tahay mid aad u liidata oo u baahan gurmad degdeg ah.

Barakaca ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaalka Baladxaawo uu sii xoogeystay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, iyadoo dadka deegaanka ay la tacaalayaan duruufo adag oo ay kamid yihiin hoy la’aan, biyo la’aan iyo cunto yari ba’an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM