Qoyska Ikraan oo ka digay "in Fahad helo xasaanad uu isku qariyo"
MUQDISHO, Soomaaliya - Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa cod dheer ku dalbadey in Fahad Yaasiin Daahir laga hor-istaago in uu kursi "uu isku qariyo kasoo qaato magaaladda Beledwayne ee gobolka Hiiraan.
Qaali Maxamuud Guhaad oo Sabtida maanta ah kasoo muuqatay warbaahinta ayaa ugu qaylo-dhaamisay bulshada ay kasoo jeedo "haddii ay dhiig iyo uus leeyihiin in ay burburiyaan damaca ninkii qashay gabadhooda".
"Gabadheyda maalintii la dhibaateeyay illaa hadda waa la iska daba-meereysanayaa sidii Rati macsaro shiidaayo walina waa u dhiman tahay. Waxaan u sheegayaa dadka ku nool magaalada Beledwayne haddii ay dhiig iyo uus leeyihiin car waakaas Fahad Yaasiin ha yimaado magaalada Beledwayne isaga oo raadinayo kursi uu isku qarinayo," ayay tiri.
Lataliyaha ammaanka qaranka ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu wadday dedaalo uu isugu dabaridayo safar uu ku tago Beledwayne si uu ugu tartamo kursi uu hadda ku fadhiyo Faarax Cabduqaadir.
Hase ahaatee, lama ogga haddii dhawaqa Guhaad uu horseedi karo gadood ay sameeyaan bulshadda ay kasoo jeedo Ikraan kaasoo isku hor-gudbi kara riyadda Fahad ee ah in uu helo xasaanad Xildhibaanimo.
Fahad ayaa ahaa agaasimaha guud ee hay'adda sirdoonka qaranka waqtigii la waayey Ikraan oo qudheeda xubin sarre ka ahayd NISA ayna hay'addu sheegtay in ay dishay Al-Shabaab, wallow kooxda iska fogeysay.
Dhanka kale, Maama Guhaad ayaa ku canaanatay Jeneraal Xuud in uu Muqdisho u yimaado la gorgortanka Farmaajo iyo Fahad "isaga oo ay u dhaantey in uu kula xantamo magaaladiisa oo ay u sharaf badneyd".
Madaxwaynihii hore Farmaajo oo "hilibkeena afka loo geliyey" ayay ku nuux-nuux-satay in aysan ka aqbaleyn in uu "waranka nagu jililo haddii kale ay imaan karo cawaaqib xumo oo la eebi doono".
"Farmaajo i maqal. Waranka kan lagugu dilo iyo kan lagugu jil-jilo kan lagugu jiljilo ayaa daran. Jiljilkii ayay waddaan [Farmaajo], Fahad iyo Kulane. Laakiin waa la eebayaa tan balan iyo axdi waaye," ayay kusoo xirtey.
Qadiyadda Ikraan Tahliil Faarax ayaa loo arkaa mid hadalheynteeda ay saameyn wayn ku yeelan karto ololaha dib-u-doorashadda Farmaajo ayna kooxdiisa codad badan ku wayn karto haddii aysan dhinac u dirin.
GAROWE ONLINE