Ra'isal Wasaaraha D. Federaalka oo tegey Dhuusomareeb

Image

March 7, 2015 (GO)- Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin uu ka midyahay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Galguduud.

Sharmaarke waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan, waxaana soo dhoweynta kaddib wafdiga loo gudbiyey hoolka shirarka ee magaalada Dhuusamareeb halkaasoo uu ka socdo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega gobollada dhexe.

Ra'isal Wasaaraha oo si kooban ula hadlay ergooyinka ka qayb gelaya shirka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay xallinta dhammaan khilaafaadka jira si horumar iyo barwaaqo loo gaaro. Wuxuu sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalku soo dhoweynayso islamarkaana taageersan tahay shirka gogoshiisu taallo degmada Dhuusomareeb.

Muddada Cumar Cabdirashiid Dhuusomareeb ku sugan yahay, wuxuu la kulmi doonaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlay hoolka lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashada wafdiga Ra'isal Wasaaruhu Dhuusomareeb ku yimaadeen.

January 10, 2015  ayay ahayd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaray magaalada Dhuusamareeb, isagoo daah furay shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha ku dhaqan gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM