Ra'isal Wasaaraha oo bogaadiyey dadaallada nabadeytna G. Dhexe

Image

March 9, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo weli degmada Dhuusomareeb ku sugan ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeynta ee ka socda Galguduud iyo weliba shirka loogu gogol xaarayo dhismaha maamulka gobollada dhexe [Galguduud iyo koonfurta Mudug].

Mudane Sharma'arke wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamey in la helo heshiis buuxa oo dhex mara beelaha ku dhaqan gobollada dhexe, arrintaasoo -sida uu sheegay- asaas u noqoneysa xasillooni iyo nabad ka dhalata guud ahaan Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu xusey in iyadoo aan nabad le helin lagu guuleysan karin dhismaha maamulka gobollada dhexe. Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqankana wuxuu ku boorriyey inay xil weyn iska saaraan sidii khilaafaadka jira xal dhameystiran loogu heli lahaa.

Dhanka kale, Ra'isal Wasaaraha ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay'adaha samafalka in gargaar deg deg ah lasoo gaarsiiyo gobolka Galguduud, halkaasoo abaarta iyo colaad bilihii u dambeeyey ka aloosneynd kumanaan qoys ku barakaceen.

Wafdiga Cumar Cabdirashiid oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan waxay degmada Dhuusomareeb tageen labo maalmood kahor. Muddadii uu Dhuusomareeb ku sugnaa, Ra'isal Wasaaruhu wuxuu la kulmey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ergooyinka ka qayb gelaya shirka loogu gogol xaarayo maamul-u-sameynta gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM