Ra'isal Wasaaraha oo booqdey dadkii ku dhaawacmey qaraxa

Image
Image
Image
Image

February 23, 2015 (GO)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta booqdey Isbitaalka Ordugan, halkaasoo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmey qaraxyadii saddex maalmood kahor ka dhacay Central Hotel.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u booqdey kana xog wareystay xaaladdooda caafmaad, inkastoo ay ku jiraan Isbitaalka dad ay xaaladoodu adag tahay, Ra’iisul wasaaraha inta uu booqanayey dhaawacyada wuxuu sidoo kale warbixino ka dhageystey qaar kamid ah dhaqaatiirka isbitaalkaas ka hawlgasha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa kulan la qaatay maamulka Isbitaalka Erdogan ee horay loo oran jiran Digfeer, kulankaas waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa shaqooyinka isbitaalku bixiyo dhammaan dadkuna uga faa'iideysan lahaayen.

Wasiirka Warfaafinta  Maxamed Cabdi Xayir oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in ujeedada booqashadan ay aheyd sidii loosoo eegi  lahaa xaaladda guud  dadkii ku soo waxyeelloobay qaraxii Central Hotel ka dhacay Jimcihi la soo dhaafay, isla markaana dadaal loogu bixin lahaa dhaawacyada u baahan in loo fidiyo gurmad caafmaad oo dibedda ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaaruhu uu uga mahadceliyey maamulka Isbitaalka Ordugan sida ay ugu dadaaleen in lala tacaallo xaaladda caafmaadka dhaawacyada la keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM