Ra'isal wasaaraha Somalia oo ka hadlay shirkii Belgium [Dhagayso]

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa ka hadlay lacagta dhawaan loogu yaboohay qaxootiga Somaliyeed ee doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan.

Sharmaake ayaa sheegay shirkii Belgium inuu ku soo dhammaaday guul, iyadoo lagu aruuriyay lacag gaaraysa boqolka milyan oo qeyb ka ah shan boqol oo loogu talagalay in muddo Afar sano ah lagu soo xareeyo.

Ra'isal wasaaraha oo la hadlay warbaahinta dowladda Somalia xilli uu ku sugnaa Muqdishu ayaa tilmaamay inay taabacsanyihiin shir saddex geesood ah oo dhexmaray dowladda Somalia, Kenya iyo hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR, kaasi oo qeexay in aan la khasbi karin qaxootiga balse la caawinayo shakhsiyaadka doonaya inay iskood ugu laabtaan Somalia.

Mar uu ka hadlay diyaar garowga ugu jiraan qaabkii dib u dajin loogu samayn lahaa dadka soo laabanaya ayuu xusay inay jiraan goobo la cayiman, balse ay muhiim tahay in loo abuuro jawi u saamaxaya soo laabashadooda, taasna dowladdu ugu jirto dadaal.

Qaxooti tiro badan oo Somaliyeed ayaa ku sugan dalalka deriska la ah Somalia, kuwaasi oo ku jira xaalad adag, waxayna ka carareen dhibka iyo dagaalada ka socda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM