Ra'isal Wasaraha Somalia oo la kulmey madaxda Imaradka Carabta

Image

April 13, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Somaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmey qaar kamid ah madaxda dalkaas.

Ra'isal Wasaaraha ayaa kala hadley mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Imaaraadku qayb uga qaadan lahaa dhismaha iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

Booqashadaan ayaa waxaa Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ku weheliya Wasiirka difaaca dowlada Federaalka Somalia.

Safarka Ra'isal Wasaaraha ayaa qaadan doona ilaa maalinta Arbacada, wuxuuna markaas kadib u dhoofi doonaa magaalada Addis Ababa isagoo uga sii gudbi doona wadanka Maraykanka.

Waa markii ugu horreysey ee Ra'isal Wasaare Sharmaarke booqasho rasmi ah ku tago dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii uu xilkan qabtey.

Kahor intii uusan imaan Abu Dhabi, Mudane Sharmaarke wuxuu magaalada Garowe kaga qayb galay shir wadatashi ahaa oo dhex maray Dowaldda Federaalka iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM