Ra'isal Wasaraha Somalia oo la kulmey madaxda Imaradka Carabta

Image

April 13, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Somaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmey qaar kamid ah madaxda dalkaas.

Ra'isal Wasaaraha ayaa kala hadley mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Imaaraadku qayb uga qaadan lahaa dhismaha iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

Booqashadaan ayaa waxaa Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid ku weheliya Wasiirka difaaca dowlada Federaalka Somalia.

Safarka Ra'isal Wasaaraha ayaa qaadan doona ilaa maalinta Arbacada, wuxuuna markaas kadib u dhoofi doonaa magaalada Addis Ababa isagoo uga sii gudbi doona wadanka Maraykanka.

Waa markii ugu horreysey ee Ra'isal Wasaare Sharmaarke booqasho rasmi ah ku tago dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii uu xilkan qabtey.

Kahor intii uusan imaan Abu Dhabi, Mudane Sharmaarke wuxuu magaalada Garowe kaga qayb galay shir wadatashi ahaa oo dhex maray Dowaldda Federaalka iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Ka Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM