Ra'isal wasaare Sharmake oo Muqdishu tagay

Image

28 November, 2015(GO)-Ra'ilsa wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa maanta dib ugu laabtay magalada Muqdishu xarunta Somalia ka dib socdal hal maalin qaatay oo ku tagay magalooyinka Cadaado iyo Garowe.

Safarka Ra'isal wasaaraha ayaa la xiriiray xaaladda Galkacyo iyo sidii loo gaari lahaa xal waara oo labada dhinac ku qanacsanyihiin, balse arrintaasi waxba kama hirgalin oo waxaa dib u billoowday dagaal u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Sharkame ayaa maanta qorshuhu ahaa inuu tago Galkacyo, balse uma suurto galin, wuxuuna gaaray magalada Xamar halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay xilliga uu tagay magalada Muqdishu, ayuu sheegay inay ku rajo waynyihiin sidii colaadaasi loo dhammayn lahaa, wuxuuna xusay inuu wafdi uga yimi magalada Garowe, kuwaasoo tagi doona magalada Galkacyo.

Laba masuul ee maamullada Puntland iyo Galmudug ayuu Sharmake tilmaamay inay ka ogolaadeen sidii arrinta nabad loogu dhammayn lahaa.

Lama garanayo sababta Cumar Cabdirashiid Muqdishu ugu laabtay iyadoo taagantahay xaaladda uu awal u yimi Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM