Ra'isal Wasare Sharma'arke oo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaanka

Image

February 9, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystey xildhibaan ka tirsanaa barlamanka dowlada federaalka ah ee Somalia.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'isal Wasaaraha ayaa lagu cambaareeyey dilka Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre oo mudo dheer kusoo jirey golaha barlamanka.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale tacsi loogu direy eheladii iyo qaraabadii uu Xildhibaanku ka tegey iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo" qoraalka kaso baxay xafiiska Ra'isal Wasaaraha ayaa sidaas lagu yiri.

Mileeshiyo ka tirsan Al-shabaab  ayaa toogasho ku dishey Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad barqonimadii maanta xilli uu kusoo jeedey xarunta barlamanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM