Ra'isul wasaaraha Somalia oo dalka dib ugu soo laabtay

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Ra'isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Muqdishu, ka dib shirkii 70-aad ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Maraykanka oo uu ka qayb galay.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saraakiil kale ayaa ku soo dhaweyay garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Sharmake ayaa New York uga qayb galay shirka Qaramada Midoobay, waxaana khubad uu ka jeediyay ugu hadlay xaaladda Somalia isagoo xusay in haatan doonayaan sidii looga gudbi lahaa ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah Somaliyana gaarto isku filnaan.

Ra'isul wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmay xoghayaha guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban-ki Moon, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan siyaasadda Somalia, amniga iyo qaabkii lagu gaari lahaa doorashada 2016.

New York, waxaa sidoo kale Ra'isul wasaare Sharmake uga qayb galay shir looga hadlayay arrimaha Somalia isagoo la kulmay safiiro ka tirsan kuwa beesha caalamka, waxaana uu tilmaamay inuu safarkiisii ku soo dhammaaday guul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM