Radio Sweden oo shaaciyey sida Xafiiska RW Soomaaliya ugu tagri faley lacago gargaar ah

Image

MUQDISHO / STOCKHOLM — Raadiyaha qaranka Sweden ayaa soo saaray natiijo ka soo baxday baaritaan uu ku sameeyay lacago ay dowladda Sweden siisay dalka Soomaaliya iyo sida loo isticmaalay. Lacagtaas ayaa ahayd mid ka dhalatay iskaashi dhex maray labada dal, taas oo dhalisay dood ku saabsan doorka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Warbixintaan , oo ay diyaarisay Ekot — waaxda ugu weyn ee wararka Raadiyaha Sweden — ayaa sheegtay in dalka Sweden uu ku dhowaad 100 milyan oo karoon siiyay dalka Soomaaliya kadib markii is-faham gaar ah dhex maray labada dal dabayaaqadii 2023. Sida ay werintu tilmaantay, qayb ka mid ah lacagtaas waxaa isticmaalay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo fulinta hawlaha kale ay mareen hay’ado caalami ah, oo ay ka mid yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ekot ayaa sheegtay in qayb ka mid ah lacagta ay ku deeqday dowladda Sweden loo isticmaalay mushahaaro ay qaateen saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Warbixintu waxay magacawday Kamal Gutale, oo ah mas’uul sare oo ka mid ah dadka sida dhow ula shaqeeya Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre, iyadoo lagu sheegay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ku lugta lahaa barnaamijka. Sida lagu xusay warbixinta, Gutale wuxuu ka hayay mashruuca xil ay dowladda Sweden dhaqaale ku bixisay, xilli uu sidoo kale ahaa xoghayaha joogtada ah ee Ra’iisul Wasaaraha.

Baaritaanka raadiyaha Sweden ayaa intaas ku daray in Kamal Gutale uu ka muuqday qoraallo iimaylo ah oo ay is-dhaafsadeen mas’uuliyiin Soomaaliyeed iyo kuwo Sweden ah, kuwaas oo la xiriiray maamulka iyo jihaynta dhaqaalaha gargaarka. Sidoo kale, markii qayb ka mid ah lacagta la mariyay Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), Gutale ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta Soomaaliya ee saxiixay heshiiska. Khubaro dhinaca sharciga ah oo la hadlay Ekot ayaa sheegay in xaaladdan ay keeni karto su’aalo la xiriira hufnaanta iyo sida loo kala saaro xilalka siyaasadeed iyo barnaamijyada gargaarka.

Warbixintu waxay xustay in hay’adda gargaarka Sweden ee SIDA ay hore u joojisay barnaamij la mid ah midkan, kadib markii ay soo baxeen natiijooyin aan lagu qancin iyo walaac ku saabsan eex. Si kastaba ha ahaatee, barnaamij kale oo xaddidan ayaa dib loo bilaabay sanadkii 2024, iyadoo la adeegsanayo dhaqaale ka yimid Wasaaradda Cadaaladda ee Sweden, waxaana hirgelisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Dowladda Sweden iyo hay’adaha fuliyay barnaamijkaasi kama aysan bixin faahfaahin ku saabsan dadka ka faa’iiday, iyagoo ku sababeeyay arrimo qarsoodi ah.

Kadib baahinta warbixinta, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo uu si cad ugu diiday eedeyn kasta oo la xiriirta ku takrifal gargaar, dano gaar ah, ama eex la xiriirta naas-nuujin iyo dano gaar ah. Bayaanka ayaa warbixinta Raadiyaha Sweden ku tilmaamay mid marin habaabin ah isla markaana aan ku salaysnayn xog la xaqiijiyay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan taageerada ay bixiso dowladda Sweden lagu fuliyo hay’ado caalami ah oo ku shaqeeya heshiisyo rasmi ah, islamarkaana aysan jirin lacago si toos ah loogu shubo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, xafiisku wuxuu beeniyay warar sheegaya in Soomaaliya ay ku hanjabtay joojinta wada-shaqeynta, isagoo carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay hannaan diblomaasiyadeed oo caadi ah.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in dhaqaalaha la xusay uu ahaa mid lagu fulinayay barnaamijyo ay horey ugu heshiiyeen labada dowladood, isla markaana Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa xarunta ugu weyn ee isku xirka dhinaca Soomaaliya. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in barnaamijyadaasi ay la xiriireen dadka Sweden laga soo celiyay ee aan haysan sharci qaxooti, oo ay ku jiraan kuwa dambiyo galay, si loo taageero dib-u-dejintooda loogu sameeyo dalka.

Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, oo la soo saaray kadib warbixinta raadiyaha Sweden, ayaa diiradda saaray oo kaliya diidmada eedeymaha, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka, baaxadda, ama sida ay u shaqeeyaan barnaamijyada la tilmaamay.

Raadiyaha Sweden ayaa sheegay in warbixintiisu ku salaysnayd dukumiintiyo iyo isgaarsiin ay heleen intii ay socotay baaritaan muddo qaatay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Sweden ayaa dhankooda sheegay in wadahadalka ku saabsan hirgelinta gargaarka uu yahay arrin caadi ah marka lala shaqeeyo dowlado kale, iyagoo ka gaabsaday faallooyin ku saabsan shakhsiyaad gaar ah.

Arrintan ayaa dib u soo celisay dood ku saabsan hufnaanta gargaarka, isla-xisaabtanka, iyo iskaashiga la xiriira socdaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalal ka tirsan Yurub, iyadoo ay weli socdaan falanqayn iyo dabagal ay sameynayaan warbaahinta iyo khubarada madaxa-bannaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hoggaamiyeyaal saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kismaayo

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dhibaato u geysatay maamulkiisa.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 05:55PM

Wasiir Maxamed: Daacish waxay Malaayiin dollar ka heshay ka ganacsiga Dahabka

Inkasta oo tirada dadka deegaanka ee ku biiray ay yar tahay, haddana Faroole wuxuu ka digay in joogitaanka dagaalyahannada ajaanibta ah.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 12:38PM