Rajada Farmaajo ku tartami karo oo sii yaraanaysa
MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa doortay guddoonkooda cusub xilli ay is khilaafeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo booliiska, taasoo muujineysa kala qaybsanaan xooggan oo ka dhex jirta hay’adaha ammaanka dalka oo ay uga sii dartay doorashada dib u dhac ku yimid.
Arbacadii, ciidamo taabacsan Madaxweynaha xilka ka dagaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo inta badan loo yaqaan naaneysta Farmaajo ayaa ka celiyay xildhibaanno doonayay in ay galaan hangaarka garoonka oo ay ka dhaceysay codeynta, iyagoo u sheegay in dib loo dhigay.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo muddo bilooyin ah ay isku heystaan khilaaf dhanka awoodda ah oo uu kala dhexeeya Farmaajo ayaa ku amray ciidamada nabad ilaalinta in ay sugaan ammaanka goobta ay doorashadu ka dhacayo, si ay Xildhibaanada u soo galaan, taasoo keentay iska horimaad ka dhacay afaafka hore ee xaruntaasi oo ay goob joog ka ahayd warbaahinta maxaliga ah iyo tan caalamiga ah.
Ugu dambeyntiina, Khamiistii, ayaa xildhibaannadu waxay Sheekh Aadan Maxamed Nuur u doorteen guddoomiyaha golaha shacabka, ruug-caddaa mucaaradka ah ayaa loo arkaa mid macquul ah oo qunyar socod ah isla markaana liddi ku ah madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo iyo Rooble ayaa boggooda Twitter-ka ugu hambalyeeyay Nuur oo ku guulaystay in uu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashada afhayeenada baarlamaanka iyo aqalka sare ayaa ah tilaabo muhim ah oo lagu soo dhisayo xukuumada cusub, taasi oo ay tahay in la qabto 17-ka May hadii la doonayo in Soomaaliya ay sii wado taageerada miisaaniyada ee ay ka hesho hey’adda lacagta aduunka ee IMF.
Hanaanka doorashada Soomaaliya oo muddo dheer dib u dhac ku yimid ayaa waxaa hareeyay rabshado uga imaanayay kooxo hubeysan iyo khilaaf u dhexeeya hoggaanka dalka, kaasoo sanadkii hore si xun u kala jabay ciidamada ammaanka, taasoo keentay in kooxaha iska soo horjeeda ay ku dagaallamaan waddooyinka caasimadda.
Talaadadii, Cabdi Xaashi, ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha aqalka sare ee senator-ka oo muddo dheer kasoo shaqeeyay madaxweynaha.
Farmaajo ayaa waxaa guuldarooyin balaaran ka soo gaareen doorashooyinkii gudoonka aqaladda baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya kadib markii xubnihii uu taageerayey lagaga guuleyatey.
Mucaaradka ayaa la wareegay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka 11aad. Doorashooyinkii qabsoomay maalmihii lasoo dhaafay waxay kooxda Farmaajo u direen dhambaal cabsi ah in ay calaamad su'aal dulsaaran tahay soo laabashadooda.
"Nidaamka axsaabta siyaasadda Soomaaliya waa bilow. Tani macnaheedu maaha in mucaaradku ay maalintaas qaadi doonaan laakiin hadda waxay gacanta ku hayaan labada aqal ee baarlamaanka," ayuu yiri Rashid Abdi, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Sahan Research, oo fadhigeedu yahay Nairobi. "Fursadda Farmaajo (Maxamed) uu ku noqon karo madaxweynaha xiga waa mid sii yaraanaysa."
Doorashada ayaa la qorsheeyay sanad ka hor balse dib u dhac ayaa ku yimid markii Farmaajo uu isku dayay in uu 4-sano ku kordhiyo labo sano, taasoo uu baarlamaanka ka hor yimid.
GAROWE ONLINE