Rasaas weli saaka ka dhacaysa gudaha Hotel Maka Al Mukarrama

Image

March 28, 2015 (GO)- Iyadoo xalay saraakiisha laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalku sheegeen in lasoo afjarey hawlgalkii Hotel Maka Al Mukarrama ayaa waxaa weli saaka rasaas laga maqlayaa gudaha hoteelka.

Af-hayeenka hay'adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Qaasim Axmed Rooble ayaa u sheegay idaacadda VOA in weli gudaha hoteelka uu ku jiro nin dhaawac ah oo ka tirsan kuwii weerarka soo qaadey.

Qaasim oo la weydiiyey inuu faah faahin ka bixiyo khasaaraha weerarkaas ka dhashay, wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda aan tirakoob rasmi ah la sameyn balse dib laga soo gudbin doono.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyoodey weerarka, dadkaas waxaa kamid ah danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Switzerland Yuusuf Bari-Bari iyo gabar aqoonyahanad ah oo Maraykanka ka timid lana shaqeyneysey Bankiga Dhexe taasoo lagu magacaabi jirey Farxiyo Bashiir Nuur.

Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo isagu weerarro badan oo caynkan oo kale ahaa ka fuliyey magaalada Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM