Rasaas weli saaka ka dhacaysa gudaha Hotel Maka Al Mukarrama

Image

March 28, 2015 (GO)- Iyadoo xalay saraakiisha laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalku sheegeen in lasoo afjarey hawlgalkii Hotel Maka Al Mukarrama ayaa waxaa weli saaka rasaas laga maqlayaa gudaha hoteelka.

Af-hayeenka hay'adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Qaasim Axmed Rooble ayaa u sheegay idaacadda VOA in weli gudaha hoteelka uu ku jiro nin dhaawac ah oo ka tirsan kuwii weerarka soo qaadey.

Qaasim oo la weydiiyey inuu faah faahin ka bixiyo khasaaraha weerarkaas ka dhashay, wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda aan tirakoob rasmi ah la sameyn balse dib laga soo gudbin doono.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyoodey weerarka, dadkaas waxaa kamid ah danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Switzerland Yuusuf Bari-Bari iyo gabar aqoonyahanad ah oo Maraykanka ka timid lana shaqeyneysey Bankiga Dhexe taasoo lagu magacaabi jirey Farxiyo Bashiir Nuur.

Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo isagu weerarro badan oo caynkan oo kale ahaa ka fuliyey magaalada Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM