Rooble: Madaxda maamulada door kuma lahan xulista ergooyinka
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowlad goboleedyadda wax kaalin ah kuma lahan xulista ergooyinka baarlamaanka federaalka, sida uu shaaca ka dhigay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Hadalkan ayuu wasiirka koowaad ee dowladda federaalka ah ka sheegay kulan uu aaladda fogaan aragga ah kula yeeshay guddiyadda doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul goboleed.
Rooble ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiim u tahay in coddeynta ay noqoto mid daahfuran isaga oo guddiyada ku tartarsiiyey in ay ka madax-banaanadaan khilaafyadda siyaasiga ah.
"Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadku waxay leeyihiin waajibaad shaqo oo ay tahay in ay si hufan uga soo dhalaalaan," ayuu yiri.
Wuxuu ku daray: "Waxa ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan waa in ay si hufan oo caddaalad ah u maamulaan doorashada iyo xallinta murannada ka dhasha, si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay oo caddeynaya cid walba in kaalinteeda doorashada".
"Waxaan ku boorriyay in aysan cid gaar ah u eexan, qaadan kaalin aysan lahayn, xoojiyaan wadashaqeynta dhexdooda ah, isla markaana aqbalin faragelin sharciga baal marsan, si doorashada ay maamulayaan u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo," ayuu xusay.
Rooble ayaa kusoox inay: "Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada wax door ah kuma lahan xulista Ergooyinka, Guddiyadana waxaan idin siinayaa digniinta ugu dambeysay qofkii hadda kaddib qof ka daba hadlana warqadihiisa horay ha usoo qaato, digreeto Xafiis Ra’iisul Wasaare ayaa lagu magacaabay xukuumaddeyda Musuq Maasuq uma dul qaadaneyso".
Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli musharaxiinta madaxtinimadda qaarkood ay walwal ka muujiyeen qaabka ay ku socoto doorashooyinka gaar ahaan xulista mudaneyaasha Aqalka Hoose oo ay "boob" ku qeexeen.
GAROWE ONLINE