Rooble oo baaq u diray hogaamiyeyaasha maamuladda

Image
Image
Image
Image
Fariintan ayaa la xiriirta doorashooyinka golaha shacabka ee gabagabadda maraya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee BJFS ku matalaya Gobolladda Woqooyi ee Somaliland.

Rooble ayaa xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matalaya Gobollada Waqooyi kula dardaarmay in waajibaadka culus ee la saaray u gutaan si ay ku jirto danta dalka iyo dadka.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxuu Ra’iisul Wasaare Rooble shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha Guddiyada Doorashooyinka SEIT Somaliland, Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga.

Xafiiska Rooble ayaa xusay in xubnahan ay maamuuska ay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyada ay ku dhiman yihiin Xildhibaanada harsan in ay si deg deg ah u soo gudbaan, si dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada looga baaqsado.

Jadwalka ayaa xeerinaya in doorashadda ay kusoo dhamaato 25-ka Febraayo taasoo kaliya ay maalmo qura ka hartay. Mareykanka wuxuu u goodiyey xayiraadyo hadii coddeynta aysan waqtigeeda kusoo dhamaan.

Wadarta mudaneyaasha gobolada waqooyi ay ku leeyihiin golaha shacabka ayaa ah 46 xubnood waxaana soo laabtey 23 kamid ah xubnihii hore halka 23-ka kale ay cusub yihiin iyadda oo 33 kamida ay rag yihiin, 13-na dumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM