Rooble oo ka hortagay qorshe uu watay Fahad Yaasiin Daahir

Image
Kursiga #HOP086 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey oo weli damac uga jira inuu dib u helo Faarax Cabdulqaadir.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey iu uu soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Sida uu ogaatay Garowe Online, waxaa heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ayaa muujinaysa in fasixitaanka kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Waxaa suurta-gal ah in dad badan ay is-weydiiyaan sida lacag sidaas u badan loogu bixin karo kursi xildhibaan, balse muhiimadda ayaan aheyn kursiga ee waa xasaanadda uu leeyahay sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan guddiga doorashada ee la kala diray.

Waxaa xusid mudan in doorashadii 2016 ay xildhibaano badan oo badankood kasoo jeeda beesha Hawiye ay kuraas xildhibaan ku bixiyeen lacag ka badan nus milyan dollar, si ay ugu helaan xasaanad uguna ilaashadaan ganacsiyo iyo qanadaraasyo ay ka hasytaan dowladda.

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in shaqadii guddiyadaan ay ku ekeyd doorashadii guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhacday 27 ilaa 28-kii bishii hore.

Kursiga #HOP086 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey oo weli damac uga jira inuu dib u helo Faarax Cabdulqaadir oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, mana cadda haddii tallaabada uu xalay qaaday Rooble ay arrintaas qeyb ka tahay.

Guddiga doorashada heer Faderaal oo cuskanaya qoraalka Rooble ayaa sidoo kale taageeray go’aanka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha kaas oo lagu kala diray guddiyada doorashada Heer Faderaal, heer Dowlad-goboleed iyo xalinta khilaafaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM