Rooble oo furey Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Saakay ka furey Teendhada Afisyooni Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran, oo looga hadlayo arrimaha dardar-gelinta doorashooyinka dalka iyo sixida tabashada ka timid hanaanka.

Waxaa ka qeybgalaya Madaxweyniyeyaasha shanta Dowlad Goboleed, Deni, Qoor-Qoor, Guudlaawe, Lafta-Gareen iyo Axmed Madoobe, oo wehliyo duqa Muqdisho Cumar Filish.

Beesha Caalamka ayaa taageertay qabashada shirka, si wadanka doorashadiisa loo dhameystiro, islamarkaana loo helo dowlad cusub oo lasoo doortay, taasoo ah xalka kaliya ee looga bixi karo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

Rooble ayaa shirka qorsheeyay inuu furmo Dec 27, balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii Farmaajo uu isaga shaqada ka joojiyay, taasoo ka dhalatay xiisad colaadeed oo Muqdisho laga dareemay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM