Rooble oo hal arrin uga digay madaxweyne Xasan Sheekh

Image
Hadalkan ayaa kusoo aadayo iyada oo la xasuusto dagaalkii siyaasadeed oo uu ra’iisul wasaaruhu la galay Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo wareysi xasaasi ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda dalka, doorashooyinkii soo dhammaaday iyo dhismaha dowladda cusub.

Rooble ayaa sheegay in waqti adag, kadib uu ku guuleystay inuu qabto doorasho wadar ogol ah, isla-markaana uu kasoo maray marxalado kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa farriin la xiriirta dhismaha dowladda cusub u diray Madaxweynaha mar labaad loo doortay Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda xilka la wareegi doono.

Xuseen Rooble ayaa kula taliyey Madaxweyne Xasan inuu dalka ka ilaaliyo Milkiile, isla-markaana uu isagu qaato go’aannada iyo tallaabooyinka la qaadayo.

“Waxaan kula talinayaa oo kale oo shacabka ay hadda jecel yihiin inaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyo waxay tahay Milkiile ka ilaali dalkan,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Adaa mas’uul ka ah waa ku sheegayaa mar koowaad, mar labaad, mar saddexaad Miilkiile dalkaan iskama lahan nin ku keensaday ma jiro Soomaali adiga ayey ku dooratay,”.

Rooble ayaa sidoo kale xusay in Miilkiile uu yahay waxa burburiyey dalkan, ayna tahay in laga gudbo, mas’uuliyaddana laga rabo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

“Walaalow Xasanow waddooyinkii ay Soomaaliya ku duntay waxaa ka mid ah Milikiile go’aanka adiga qaado iyo ra’iisul wasaarahaaga iyo inta mas’uuliyadda markaas kula heyso cid kale haku aaminin,” ayuu markale wareysigan ku yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo iyada oo la xasuusto dagaalkii siyaasadeed oo uu ra’iisul wasaaruhu la galay madaxweynihii hore ee dalka, Farmaajo iyo la-taliyihiisa amniga qaranka Fahad Yaasiin oo loogu yeeraayey 5 sano ee lasoo dhaafay Miilkiilaha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

  • Soomaliya

    01-03-2026

  • 11:45AM

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM