Rooble oo hantiyay gudoonka guddiga xalinta khilaafaadka

Image
Guddigan ayaa ah kan kaliya ee go’aanka ka gaarayo kuraasta ay cabashada ka timaado ka hor doorashada ama kadib.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa maanta oo Khamiis ah gudoomiye u doortay Maxamed Cawil Warsame, kadib doorasho ka dhacday xerada ciidanka circa ee Afisyoone oo taalla xerada Xalane ee magaalada ee Muqdisho.

Jagada guddoomiyaha ayaa waxaa isku soo taagay laba musharrax oo kala ah Maxamed Cawil Warsame & musharax Mustaf Macalin Cali, waxaana markii dambe tanaasulay Mustaf, sidaas ayaana cod gacan taag ah loogu codeeyey musharrax Maxamed Cawil oo noqday guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada.

Maxamed ayaa ku cusub guddiga wuxuuna ka mid yahay xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Sidoo kale, musharraxa laga guuleystay ayaa guddiga kasoo galay dhinaca Galmudug, waxaana soo magacaabay Qoor Qoor oo haatan aad ugu dhow Farmaajo

Tani ayaa ka dhigan inuu markale ra’iisul wasaaru hantiyey Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo muhiim u ah doorashada haatan ka socota dalka, waana guddiga kaliya ee go’aanka ka gaarayo kuraasta ay cabashada ka timaado ka hor doorashada ama kadib.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay doorashadan ayaa isla-markiiba u hambalyeeye guddoomiyaha cusub ee la doortay.

"Hambalyo Gudoomiyaha cusub ee guddiga Xalinta Khilafaadka Doorashooyinka Md Maxed Cawil Warsame,” ayuu yiri Al-Cadaala oo ka mid ah xubnaha ku dhow ra’iisul wasaaraha.

Al Cadaalla ayaa hadalkiisa raaciyay "Doorashadiisu waa talaabo wanaagsan oo kaalin wayn ku leh ilaalinta Hufnaanta Doorashada".

Falanqeeye-yaasha ayaa ku tilmaamay guushii labaad ee uu helay Rooble, kadib markii dhowaan xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhinaca Dowladda Puntland, kadib markii uu taageero buuxda ka helay Saciid Deni iyo Maxamed Huseen Rooble.

Golaha wadatashiga qaran oo la kulmaya cadaadis xooggan ayaa dhawaan isku raacay in codaynta oo dib u dhacday mudo sanad ah lagu soo gabagabeeyo 25 febraayo ee sanadkan 2022-ka si looga gudbo iska khatar ah dalka yaallo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM