Rooble oo Imaaraadka gaarsiiyey fariin uu ka riday Xasan Sheekh

Image
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheikh Maxamed Bin Zayid

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Intii uu joogay dalkaas, Rooble ayaa wuxuu ka qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid. 

Rooble ayaa intii uu joogay Imaaraadka wuxuu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa.

Sidoo kale, wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay  ee hoggaaminta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka uga wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib munaasabad ka dhacdey gudaha Madaxtooyadda Qaranka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan  gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM