Rooble oo isku bedelay laba kamid ah wasiirada xukuumadiisa

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta faray labada wasiir in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto uu soo saaray Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka difaaca ugu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga  XFS u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa, sida laga soo xigtey xafiiska Rooble, wuxuu faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Isku-shaandheyntan kooban ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii khilaafka madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu si rasmi ah u soo shaac-baxay.

Farmaajo ayaa sheegay in Rooble uu ku fashilmay daadihinta doorashooyinka. Hase ahaatee, Rooble wuu iska fogeeyay qaddiyadaas. Xafiiska wasiirka koowaad wuxuu ka cowdey "dacaayado abaabulan".

Is-qabqabsigan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu dalka geliyo jahwareer cusub iyo hubanti la'aan kale oo baahsan taasoo khatar ku ah xasiloonida siyaasadeed, amniga iyo doorashadda.

Farmaajo ayaa  shan sano xafiiska jooga. Mucaaradka wuxuu ku eedeeyay in uu isku-dhejinayo kursiga. Warar xog-ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in Villa Soomaaliya aysan qorshaha ugu jirin xil wareejin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM