Rooble oo korka looga tuuray boobka doorashooyinka

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa lagu eedeeyay in uu ka gaabiyey mas'uuliyadiisa xaqiijinta daahfurnaanta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaadanaya eeda ugu badan ee boobka doorashooyinka, sida uu sheegay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynihii hroe ee Puntland iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo u waramay Universal Tv ayaa daaha ka rogay in Rooble ka gaabiyey mas'uuliyadiisa ahayd xaqiijinta daahfurnaanta.

Sida laga soo xigtey Gaas, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale wuxuu "si ola kac ah" isaga indhatiray in uu ilaaliyo kalsoonida ay siiyeen shacabka iyo saamileyda.

"Haddii uu la shiray midowga musharaxiinta waxaan rajeynaynaa in uu doorashada wadda saxda ah kusoo celiyo. Dedaal iyo daacadnimo uu u muujiyo. Taariikhda dambe ee dalka uu u turo," ayuu yiri.

Shalay ayay ahayd markii ay Muqdisho ku shireen Rooble iyo musharaxiinta. Fahfaahinta laga helayo kulankooda waxay muujinaysaa in ay isku-raaceen qabashadda kulan-wayne ballaaran.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in kulanka uu noqon doono mid ay kawada qaybgalaan musharaxiinta, madaxda maamuladda iyo waliba hogaanka dowladda federaalka ah gaar ahaan Rooble.

Rooble ayaa lagu waddaa in uu iclaamiyo shirkaas. Lama ogga qaabka ay ku ogolaan doonan madaxda maamulada kuwaasoo qaarkood ay haatan sii bilaabeen xulista mudaneyaasha Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM