Rooble oo lagala hadlay masiirka kuraasta gobolka Gedo

Image
Shirkan ayaa kusoo aadayo iyada oo Jubaland ay sheegtey in aysan doorasho ka dhici karin Garbahaarey.

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha Xukumadda Xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka wada hadlay xal u helida khilaaf xooggan ee ka taagan halka lagu qabanayo doorashada 16 kursi ee taalla degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Waxgaradka oo waraysi siiyay laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa sheegay in ay Rooble kala hadleen doorashada 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas ay hareeyeen murano xoogan tan iyo markii codayntu bilaabatay.

Odoyaasha dhaqanka ayaa sheegay in mas’uuliyadda ugu weyn ee doorashada ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey si la mid ah Galkacyo, Baraawe, Baledweyne iyo Boosaaso.

"Wixii aan Ra’iisul wasaaraha ugu tagnay wanaagsan oo gudoon leh ayaan iskuga afgaranay," ayuu yiri mid ka mid ah odoyaasha oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Odoyaasha ayaa sheegay in ay Rooble isku afgarteen in codaynto ka dhacdo Garbahaaray, Ra’iisul wasaaruhuna balan qaaday in doorashada lagu qabanayo xarunta gobolka Gedo.

Dhan kale, Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah, iyada oo maamulka Jubbaland uu sheegay in duruufaha ku xeeran gobolka awgeed aan doorasho lagu qaban Karin Garbahaaray oo ay maamulaan saraakiil ka tirsan hay’ada NISA.

"Ra’iisul wasaaraha isaga ayaa ah guddoomiyaha doorashada isagaa laga rabaa in Garbahaarey ay doorashada ka dhacdo isagaa laga rabaa in 16-ka kursi Garbahaarey uu geeyo," ayuu ku dooday.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in haatan aysan wax wada shaqeyn ah kala dhexeyn maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, isla-markaana cidda la doonayo inay wax isku raadiyo ay tahay dowladda federaalka ah, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maamulka Jubbaland ee xaruntiisa KMG ah ay tahay degmada Kismaayo uu ku dhowaaqay in aysan doorasho ka dhici karin magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, taas oo uga sii dartay caqabadaha ka taagan doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM