Rooble oo loo diray baaq la xiriira xiisadda gobolka Hiiraan

Image
Baledweyne waxaa xalay ka dhacay Banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Guudlaawe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble waa in uu u guntado sidii xal siyaasi ah looga gaari lahaa xiisada gobolka Hiiraan, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga, ayaa dhaliilay "in taliye ciidan loo diro xalka xasarada ka oogan gobolka".

"Tabashada Hiiraan taalla waa mid siyaasadeed oo xal siyaasadeed u baahan, saxna ma ahayn in tabasho siyaasadeed xalkeeda taliye ciidan loo diro," ayuu Warsame carabka ku adkeeyay.

Wuxuu xusay: "Waxaan ugu baaqayaa Raysalwasaare Rooble, madaxda Hirshabeele, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka deegaanka iyo xubnaha Midowga Murashaxiinta in loo wada guntado xal u helida xiisada Hiiraan".

Hadalka Warsame ayaa kusoo aadaya xilli maanta maleyshiyaad ay la wareegeen qaybo kamid ah magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka halkaasoo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal uu dhiig ku daato.

Maleeshiyaad ayaa la wareehay Xaafada Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiisha halkaas oo lagu arko ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaal iyada oo ciidanka Booliska Hirshabeelle ay goor hore sii banaayeen goobta markii la sheegay in ay goobta ku soo wajahanyihiin ciidankaan.

Sarkaal ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo dhacdadaan u xaqiijiyay GO ayaa intaasi ku daray ciidanka Booliska ay u bexeen dhanka Xerada Lamagalaay ee duleedka Beledweyne halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Magaaladda Baledweyne waxaa xalay ka dhacay Banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo socdaal la sheegay in Madaxweynaha hoggaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu ku tagayo Beledweyne ka dib markii maamulka Farmaajo heshiis la galay Gen Xuud.

Villa Soomaaliya ayaa Gen Xuud u balan-qaadey fursad uu kula shaqayn karo taas oo noqon karto lacag ama xil loo magacaabo midkood maadaama uu joojiyay howlihii uu ka waday Baledweyne.

Guudlaawe ayaa ah shaqsi u dhaw Farmaajo, oo doorashadiisii ka caawiyay, waxaana hadda heshiiska lala galay Jen Xuud ku yimid dadaallo Villa Soomaaliya ka yimid, sida muuqata kacdoonka Hiiraan ee Jen Xuud hogaaminayay oo salka ku haayay diidmada hab-dhismeedkii HirShabeelle ayaa qaatay sanad ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM