Rooble oo shir gaar ah la leh Midowga Musharixiinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa ka socda Villa Soomaaliya shir gaar ah oo Ra'iisul Wasaare Rooble la leeyahay Midowga Musharixiinta Mucaaradka, oo dalbaday inay ka qeybgalaan Kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran ee dhacaya Dec 27.

Rooble ayaa isku dayaya inuu dejiyo, islamarkaana ku qanciyo Musharixiinta inay ogolaadaan dadaallada uu wado, ee lagu saxayo tabashadooda ay ka keeneen hanaanka doorashadda dalka, oo hareeyay sida la sheegay musuq-maasuq iyo cod ku shubasho.

Wararka laga helayo Villa Soomaaliya ayaa ku waramaya in Mushariixinta ay ku adkaysanayaan dalabkoodii ahaa in Rooble uu qabto shir weyne ay qeyb ka yihiin iyaga, Beesha Caalamka, Bulshadda Rayidka, oo lagu saxayo qaladaadka doorashadda.

Lama oga in Rooble uu aqbali doono in shirka soo socdo sidaasi noqdo, waxaana muuqanaya in culeysyada jira ay sii daba-dheeraynayaan jadwalka doorashadda, oo sanadkan la filayay in lasoo gabagabeeyo.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan Ururada Bulshada Rayidka si uu uga dhageysto talooyinkooda ka hor shirka Golaha Wada tashiga Qaran.

Mushariixinta waxay horey u sheegeen inaysan aqoonsan doonin natiijadda doorashadda socota, hadii aan la sixin musuq-maasuqa jira, iyadoo hadalkooda uu abuurey xaalada kale oo laga baqayo inay sameeyaan wax lamid ah wixii dhacay April markii ay diideen mudo-kordhinta Farmaajo.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqeysa in la dedejiyo doorashadda, islamarkaana hanaanka uu noqdo mid daah-furan, oo natiijada ku qanci karaan dhamaan shacabka iyo saamileyda siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM