Rooble oo u digay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Image
Go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka ku jiro xilli kala guur ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socdo wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, sida lagu sheegay qoraalkan soo baxay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hey’addaha kale ee dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.

"Sidaas daraadeed waxaa la idinka rajeynayaa inaad sidaa ula socotaan fulisaana awaamiirta sare ku xusan” ayaa lagu yiri gabagabadii amarka kasoo baxay Rooble.

Go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah maadaama maanta uun xilka la wareegay Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliyda, Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, wuxuu amarkan saameyn doonaa shaqaalihii kala duwanaa ee ay wasaaraddu qaadatay wixii ka dambeeyey kowdii Janaayo ee 2022, maadaama dib loo soo celinayo shaqaalihii horey u joogay wasaaradda ee la beddalay & kuwa toos looga saaray shaqada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM