Rooble oo la xiriiriyey boobka dhulka ciidanka badda Soomaaliya

Image
Dhanka kale, xafiiska wasiirka koowaad ayaan wali si furan uga jawaabin eedeyntan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa wuxuu guri raaxo ah oo degaan ah ka dhisanaya dhulka ciidanka badda Soomaaliyeed, sidda uu shaaca ka dhigay taliska ciidamadda.

Cabdixamiid Maxamed Dirir oo kasoo muuqdey shir jaraa'id uu ku qabtey magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan "foosha xun ee aan geedka loogu soo gaban".

"Waxaa ayaan-darro ah in la hunguriyadeeyo hantida ma guurtada ah ee u hartey ciidanka badda Soomaaliyeed. Waxaan leenahay wax socon karo ma ahan, wax la qaadan karo ma ahan, wax la aqbali karana ma ahan," ayuu yiri.

Dirir oo aan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa ayaa shirka jaraa'id ku qabtey dhulka uu tlmaamay boobka uu ku socdo. Muuqaalada waxay tusinayaan in uu dhisme ku soconayo.

Sida laga soo xigtey Dirir, waxaa loogu hanjabay in xilka laga qaadayo haddii qadiyaddan uu si cod dheer ah uga hadlo. "Laakiin, nalkuma cabsi-gelin karo xilkaa lagaa qaadayaa, jagadu waa meerto," ayuu xusay.

"Waxaan u dhaaranay waa ilaalinta danta dalka, dadka iyo hantida maguurtada ah ee ciidanka. Mana aqbaleyno in horteena lagu qaato dhulka ciidanka badda Soomaaliyeed," ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaan wali si furan uga jawaabin eedeyntan. Isku-dayo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu ula xiriiro ayaanan guuleysan.

Balse, Jeneraal Bashiir Goobe oo ah sarkaalka ciidan ee ugu darajadda sareeya ciidamadda Soomaaliya, ayaa difaacay Rooble wuxuu qashinka ku daray eedeynta taliye Cabdixamiid.

Eedeynta Cabdixamiid ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan Rooble uu eryay xubo ka tirsan Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Villa Soomaaliya waxaa lasoo wariyey in ay aad uga carootay talaabada wasiirka koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM