Ruto oo ka xog waramay kulan uu la yeelanayo Xasan Sheekh

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u duulaya Nairobi si uu u xaadiro xafladda caleema-saarka dhigiisa Kenya.

NAIROBI, Kenya - Madaxwaynaha la doortey ee Kenya, William Ruto, ayaa shaaciyey in qadiyadda Jaadka ay kamid tahay mid kamid ah qodobada uu kala hadli doono dhigiisa dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada hogaamiye ayaa la filayaa in ay yeeshaan kulan gaar ah kadib marka ay soo dhamaato munaasabadda caleema-saarka iyo dhaarinta Ruto oo loo balansan yahay 13-ka bishan September.

Isaga oo isu-soo-bax kula hadlayay dadweynaha, Ruto ayaa ugu laab-qaboojiyey ganacsatadda Qaadka Kenya in ay uga tashadaan difaacidda iyo dib-u-hanashadda suuqa Soomaaliya.

"Aniga ii daa qadiyadda Miraa. Waxaan kulan la leeyahay todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya si aan ula socono suuqyada Miraa. Beeralayda Miraa waa in aysan waligood walwalin, waxaan la macaamili doonaa dhammaan dulaaleyda iyo iskaashatooyinka," ayuu yiri Ruto.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ganacsatadda Jaadka ee dalka Kenya ay cabasho ka muujiyeen in aan wali la dhaqan-gelin heshiis uu Xasan Sheekh la galay Uhuru Kenyatta kahor doorashaddii 9-ka August, 2022.

Cabashadda ganacsatadda Jaadka

Urur ay leeyihiin ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa cabasho weyn ka qaba lacago baad ah oo ay sheegeen in looga qaado garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jommo Kenyatta, gaar ahaan marka ay dhoofinayaan qaadka u baxa Soomaaliya.

Kimathi Munjuri, guddoomiyaha ururka Nyambene Miraa Traders Association, ayaa warbaahinta u sheegay in calaa kiilo laga qaado lacag dhan $4.5 doolar, taas oo uu sheegay in lagu qasbay sifo loogu ogolaado suuqa qaadka ee Soomaaliya.

Lacagahan dheeraadka ah ee qasabka ah ayaa keenay in qiimaha kiilihii qaadka uu magaalada Muqdisho ka gaaro $23 doolar, iyada oo welwelka ugu badan ee ganacsatada Kenya ay qabaan ay tahay in markani aysan la tartami karin qaadka laga keeno Itoobiya oo isagu ah $19 doolar kiilihii, ayna muuqato in hadda ay isku qiimo dhowyihiin, isagana ka raqiisanyahay.

“Arrintii ahayd qaadka Kenya waa ka tayo wanaagsanyahay kan Itoobiya, waa ay inoo shaqayn la’dahay hadda” ayuu yiri ninkani oo intaasi ku daray in haddii arrimaha sidan kusii socdaan ay xaaladda gaari karto meel uu ganacsigooda burburo.

Markii la furey suuqa qaadka ee Soomaaliya, tirada ganacsatada dhoofinaysa qaadka ee shatiga ka helay dowladda waxa ay ahaayeen 16, haddase waxa ay hoos ugu dhaceen 7 oo keliya sababo la xiriira culeesyadan taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM