Ruushka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag dhan $684 Milyan

Image

MOSCOW, Ruushka - Soomaliya iyo Ruushka ayaa magaalada Saint-Petresburg ku kala saxiixdey heshiis muhiim u ah barnaamijka Deyn Cafinta.

Heshiiskan oo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige la saxiixday Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov ayaa lagu doonayay in Dawladda Soomaaliya laga cafiyo lacag dhan $684 milyan oo Doollar.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iman Cige oo qoraal kooban ku soo bandhigay bartiisa Facebook ayaa yiri:

"Waxa aan ku faraxsanahay in aan Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda dalka Ruushka aan la saxiixday heshiis ay Dowladda Ruushku Soomaaliya uga cafisay lacag $684 Milyan oo Doollar."

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in is-afgarad laga gaaray lacag gaareysa $7.5 Milyan oo ka mid ahayd deymihii ay Dowladda Ruushka ku laheed Soomaaliya. Tallaabadan ayaa door weyn ka ciyaareysa dhameystirka barnaamijka deyn cafinta dalka.

Heshiiskaan ayaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Salaax Axmed Jaamac iyo masuuliyiin kale oo ka kala socotay dalalka Ruushka iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM