RW Cabdirashiid oo baaq u direy xildhibaanada Barlamanka

Image

January 28, 2015 (GO)- Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa ka codsadey xildhibaanada Barlamanka Federaalka inay soo dhoweeyaan golaha wasiirada ee cusub.

Sharma'arke wuxuu sheegay in xunaha golaha wasiirada ee xalay la magacaabay yihiin kuwo lagu soo xushey kartidooda iyo waayo aragnimadooda islamarkaana qayb ka ahayn khilaafaadkii ragaadiyey shaqada dowlada.

Ra'isul Wasaaruhu wuxuu ku booriyey xildhibaanada inay tix geliyaan marxalada adag ee dalku ku jiro iyo weliba waqtiga kooban ee ka harsan hirgelinta qorsheyaalka lagu gaarayo higsiga sanadka 2016.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha uu dib kasoo magacaabi doono, xilligan uu socdo wadatashi u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha oo arintaas ku aadan.

Golaha wasiirada cusub ee Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid xalay ku dhawaaqay oo dhammaantood wejiyo cusub ah kana kooban 20 wasiir kuma jiraan xildhibaano ka tirsan Barlamanka iyo xubnihii kasoo mid noqdey xukumadihii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM