RW Somalia oo dib u eegaya dhismaha Xukuumadda

Image

MUQDISHU Jan 16,2015 [GO]- Qoraal caawa kasoo baxey xafiiska Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa maalinta Berri ah la horggeyn doona Barlamanka Federaalka kasoo lagu xusey in dib u eegis lagu sameynayo dhismihii Xukuumadii dhowaan lagu dhawaaqey.

Warsidaha Garowe online ayaa helaya warar sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia talaabadaan qaadey kadib markii maalintii shaley Barlamanka Somalia diidey inuu waqti kordhin siiyo in xukuumaddu codka kalsoonida waydiisato xildhibaanada dowlada Federaalka ah.

Talaabadaan Ra'isal wasaaraha uu qaadey ayaa waxaa wararka lagu kalsoon yahay sheegaayaan iney timid kadib markii cabsi abuurtey in Barlamanka Federaalka rido xukuumadda cusub gabi ahaanteeda.

Wararka ayaa intaas ku daraya dhinaca kale in qoraalkaan yimid kadib markii wadahadal dhexmarey Ra'isal wasaraha Somalia, xubno matalaya xildhibaanada diidan magacaabista xukuumadaan iyo Gudoomiye Jawaari kuwaasoo kula taliyey Wasiirka kowaad inuu waydiisto Barlamanka waqti kordhin madaama dib u eegis ku sameynayo Wasiirada dhowaan lasoo magacaabey. 

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Barlamanka dowlada Federaalka badankiisa diidan yihiin Afar xubnood oo ku jira xukuumada cusub ee Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Xubnahaan ayaa la rumeysan yahay iney kala yihiin; Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Caddaaladda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullahi Maxamed Cali (San-baloolshe).

Lama oga isbadalka Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ku sameynayo xukuumadiisa cusub balse dadka siyaasada u kuurgala ayaa aaminsan in laga rabo inuu qaato go'aamo adag oo la xiriira sidii xildhibaanada diidan u siin lahaayeen kalsoonida golihiisa Wasiirada.

Go'ankaan ayaa markii hore kasoo baxey kulamo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid iyo madaxweyne Xasan Shiikh wada yeesheen habeenkii xaley iyo maanta galinkii hore.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa talabadaan waxay ku tahay dhabarjab madaama xubnaha la diidan yahay gacansaar dhow leeyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM