RW Xamse muxuu kala kulmay Laftagareen kulankii ay Baydhabo ku yeesheen?

Image

BAYDHABO, GO| Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Ra’isal Wasaaraha Dowlada Federaalka, Xamse Cabdi Barre, uu kulan muddo afar saacadood ah la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Inkasta oo faahfaahin badan aan laga helin kulankaas, haddana ilo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in wadahadalka labada mas’uul uu inta badan ku saabsanaa cabashooyin uu Madaxweyne Laftagareen ka gudbinayey Villa Somalia, gaar ahaan sidii loola dhaqmay xildhibaanada Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’isal Wasaare Xamse uu Baydhabo sii joogayo ilaa maalinta berri ah, waxaana la filayaa in habeen dambe loogu sameeyo xaflad soo dhoweyn ah magaalada Baydhabo.

Safarka Ra’isal Wasaaraha ayaa wuxuu ka yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u soo diray Xamse sidii uu ugu kala dab qaadi lahaa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, xilli uu Madaxweynaha cadaadis kala kulmayo siyaasiyiinta taageersan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolada Koonfur Galbeed, kuwaas oo diidan heshiiska Milatari ee Dowladda Federaalka la gashay dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana safarkiisa ku wehelinayay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya. Amniga garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Itoobiya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM