Saalax: Madaxweynaha in uu been ii sheegayo ayaan u malaynayay

Image
Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay madasha Heritage ee Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka federaalka Saalax Axmed Jaamac ayaa sameeyay hadal-jeedin la mid ah mid uu sanado ka hor Mahdi Guuleed ka jeediyay shirka madasha Heritage ee Jabuuti, taas oo si xamaasadaysan oo ay ka buuxaan tirakoobyo ugu nuuxnuuxsaday waxqabadka dowladda.

Saalax oo ah mas’uulka ugu darajada sareeya dowladda Soomaaliya oo shirkaasi sanadlaha ka qeybgalaya ayaa ku faanay hawlgalka ciidanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in kooxdani laga saaray guud ahaan gobolka Hiiraan, halka gobolka Shabeelada Hoose ay kaliya dhimantahay degmada Aadan Yabaal oo kaabiga lagu hayo.

Balse ka qeybgalayaasha ayaa hareeraha eegay kadib markii uu Saalax sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu mar u malaynayay in uu been u sheegay.

Wuxuu yiri: "Doorashada ka hor ayaan la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu ii sheegay in uu madaxweynenimo u taaganyahay, qorshihiisa ugu weyna uu yahay in dagaal lagu qaado Alshabaab, balse kama aanan rumeysanin maadaamaa uu ahaa nin olole ku jira".

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka wuxuu ku adkeeyay in hadda uu rumeystay in madaxweynaha run u sheegayay.

Saalax ayaa horkacaya wafti wasiiro , xildhibaano, iyo la taliyeyaal ah kuwaas oo ujeedka ugu weyn ee shirka u tageen ay tahay in boqolaalka ka qeybgalaya shirka ay ka iibiyaan aragtida dowladda iyo waliba siiqada loo dhigayo doodaha jira.

Mr Saalax oo kaliya ma ahan dadka farriinta dowladda iibinaya, ee sidoo kale Ergeyga Abaaraha ee madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madasha ka hadlay ayaa si toos ah isugu xirey dhibaatada isbadelka cimilada iyo amniga, isaga oo sheegay in wax ka badan 50 xerooyinka barakacayaasha ee Muqdisho ay yihiin meel ay Alshabaab ku bulaali karto, kana heli karto xaabada ay u baahantahay si dabka usii huriso.

Sawirka ay madaxda dowladda bixinayaan, lana tagayaan madal kasta oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo waa mid qurux badan hadda, balse ma jirto cid si dhab ah u og qiimaha ay dalka ugu kici karaan siyaasadaha aanan aadka loo dheef-shiidin, kuwaas oo ururadii madaxa banaanaa ee ee qaruuradda weeyneysada ku eegi lahaa ay isla iyagii si duuduub u gudbinayaan isla farriintii dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ahaayeen heshiisyada badan ee Cirro lasoo galay Imaaraadka?

Somaliland-na waxay xafiis diblomaasiyadeed ku leedahay UAE, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal.

  • Soomaliya

    30-01-2025

  • 06:01PM

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM