Saameynta shirarka Musharixiinta ee doorashadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta ayaa shirar isdaba joog ah ku leh Muqdisho, iyagoo ka doodaya qodobo miiska u saaran, oo ku saabsan go'aanada ay qaadan doonaan mar hadii ay ku qanci waayeen hanaanka doorashadda, islamarkaana Rooble fulin waayay dalabkooda.

C/raxmaan C/shakuur ayaa uga warbixiyay Saxaafadda shirkii shalay ay yeesheen, kaasoo ay ka qeybgaleen Jawaari iyo Cumar C/rashiid, oo kamid ah siyaasiyiinta dhaliilsan qaabka ay ku socoto doorashadda.

Musharaxa ayaa sheegay inay ka fekerayaan kala doorashadda ikhtiyaaradda miiska u saaran, ee dalka lagu badbaadinayo, oo ay kamid tahay inay dhisaan Golle Qaran, oo hogaanka wadanka la wareega, taasoo ah mid laga cabsi qabo in dagaal kiciso.

"Anaga waxaan mudnaanta siinaynaa in waxa qaldan la hagaajiyo, la joojiyo doorashadda, oo la isku yimaado, laga wada-hadlo, waayo Soomaalida hadii ay isku timaado way heshiisaa, taasina micnaheeda ma ahan in akhtiyaarada kale ay miiska ka qaadan yihiin, dhamaan waan wada darsaynaa," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaasi ku darey in Gollaa Midowga Musharixiinta uu ku dhaqmi doono waxa danta dalka iyo dadka ku jira, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan wadajirka, dowladnimada iyo in doorasho la isku raacsan yahay, oo aan boob ku jirin Soomaaliya ka dhacdo.

Midowga Musharixiinta ayaa kulamadooda yeeshay saameyn, iyadoo durba Gudiga doorashadda heer Federaal ee FEIT uu billaabey inuu joojiyo kuraasta la boobey, oo ay kamid yihiin midkii Jawaari iyo kuwa kale oo Baydhabo lagu doortay dhawaan.

Kulamada Musharixiinta ayaa kusoo aadaya xili dood badan ka taagan tahay doorashadda, oo Mushariixinta qaar loo diiday inay tartamaan kadib markii hanaanka la afduubey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM