Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran

Image

March 18, 2015 (GO)- Cabsi ayaa soo food saartey dadka ku dhaqan deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose kadib markii 24tii saac ee ugu dambeeyey laga dareemay dhaq dhaqaan ciidan oo ay wadaan ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Dadka rayidka ayaa ka cabsi qaba in lagu kor dagaalamo maadaama magaaladu leedahay hal waddo oo soo gasho ayna adag tahay in laga baxo haddiiba uu dagaal ka bilowdo.

Ciidamada huwanta ayaa doonaya inay dib u qabsadaan deegaankan, halkaasoo ururka Al-shabaab dagaal culus kula wareegey dhammaadka sanadkii tegey ee 2014. Wararka ayaa intaas ku daraya in mileeshiyaadka Al-shabaab dhankooda diyaar garow xooggan ku jiraan.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay dul heehaabayaan Kudhaa iyo deegaanada ku xeeran, sidoo kale maraakiibta dagaalka ee Kenya ayaa kusoo dhowaadey xeebta.

Ciidamada Jubaland ayaa Al-shabaab ka saarey Kudhaa October 25, 2014  balse Shabaabka oo duullaan rogaal celis ah soo qaadey ayaa dib ula wareegeey deegaankaas November 8, 2015.

Dadka ku dhaqan Kudhaa ayaa u badan kalluumeysato noloshooda ku maareeya wax soo saarka badda, waxayna kalluunka u dhoofiyaan dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM