"Saaxiibo aan isla qaddeynay ayaa ku dhintay qaraxii Muqdisho"

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay tiro kale way ku dhaawacantay markii qarax gaari uu duhurnimadii maanta ka dhacay iridka maqaayadda "Bilsan" oo u dhaxeysa huteel Wehliye iyo isgoyska Dabka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah oo wadar ahaan ka badan 20 ayaa isugu jira shacab wadada lugaynayay, kuwa ku jiray gudaha mehradaasi iyo shaqsiyaad kale oo fadhiyay dibada maqaayadda.

Yaasiin Feytin, waxa uu kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka, daqiiqado kahor qaraxa ayay kasoo baxeen maqaayada isaga iyo labo qof oo ay saaxiibo ahaayeen.

Wariyaha ayaa u xaqiijiyay warbaahinta, oo uu isla goobta uu qaraxu kula hadlay, in saaxiibadiisa oo dibada maqaayada ay wada fadhiyeen ku geeriyoodeen qaraxa.

"Ma caddeyn karno sababta loo beegsaday ... waxay ahayd maqaayad ay dadka yimaadaan oo ay ka cunteeyaan," ayuu hadalkiisa kusii daray suxufi Yaasiin.

Bilsan, maqaayaqad ay ku xiran tahay bulsho badan, ayaa waxaa iska leh mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee qurba joogta ah, inkasta oo aanan la ogayn sababta loo beegsaday.

Dadka ku xiran maqaayadaasi oo isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan sida suxufiyiin oo kamid yahay Yaasiin, kaasi oo dadka dhintay u rajeeyay naxariista EBBE, kuwa dhaawacmayna soo kabasho deg deg ah.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyada weerarkaan, balse Al-Shabaab ayaa ku caan baxday beegsiga goobaha bulshadu ku kulanto, huteelada iyo xarumaha dowladda.

Kaliya bishaan Maaj magaala madaxda dalka ku yaalla bariga Afrika waxaa ka dhacay in ka badan 5 weerar oo qarax ah oo uu ku jiro mid toos oo lagu ekeeyay dhismo ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud.

Sikastaba ha ahaatee, amniga, wiiqidda Al-Shaabaab iyo xerista wadooyinka ayaa safka hore kaga jira balan-qaayadda dowlada Farmaajo ay kasoo bixi wayday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM