Sababta Xildhibaanimada loo dhaafiyey Fahad oo la sharaxay

Image
29-kii bishii hore ee May ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala diray guddigii doorashooyinka heer federaal.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinkii dadbanaa ee 2020-22 ka dhacay Soomaaliya Muuse Geelle Yuusuf ayaa markii ugu horeysay sharaxay dhibaatooyinkii ay ka soo mareen in ay dhacdo doorashadii socotay 21-ka bilood sababta keentay in ay hakiyaan kursi la sheegay in uu ku soo baxay Fahad Yasiin agaasimihii hore NISA.

Muuse Geelle oo ka hadlay kursigii ugu muranka badnaa doorashada dalka ee HOP#086 ayaa sheegay in “Kursigaas uu ahaa mid ka mid ah kuraas uu habraaca doorashadu ka qaldamay, beel ayaana iska laheyd oo ilaa hadda laga war sugaa, beesha ayaa laga doonayaa inay qof u doorato kursigaas HOP086,”.

Geelle ayaa sheegay in Fahad Yaasiin aysan gaar u beegsan, laakiin kursigaas uu ka mid noqday kuwo ku soo baxay xaalado aan fiicneyn oo indhaha ay ka fiirsa waayeen, “kadibna amar ayaan bixinay ahaa in doorashada kuraastaas lagu noqdo, waana lagu noqday qaarkood.”

Markii ay Baydhaba u tageen xalinta kuraastii kale ayuu sheegay in arrinta kursiga HOP086 ay maxkamadda sare jirtay, taas oo dacwo uu u geystay Fahad Yaasiin, sidaasna ay ku dhaafeen.

Muuse Geelle oo wareysigaan siiyey warbaahinta Maxaliga ah ee Kulmiye ayaa sharaxay caqabadihii ugu waaweynaa ee qabsaday, isagoo sheegay in mar kaliya aysan faro gelin ka nasan.

“Qolo kasta waxay naga hor istaageysay wixii aysan u arkeyn in danu ugu jirto, xitaas beesha caalamka ayaa faro gelinta qeyb ka aheyd, dowladaha caalamka qaar waxay doonayeen in hoggaamiyaashii hore ee dowladda ay meesha ka baxaan, qaarna waxay doonayeen inay xukunka ku soo laabtaan,” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Gudoomiyihii guddiga ayaa sheegay in wax faro galin ah oo ay dhibsadeen aysan kala kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay ayagu gaarayeen go’aanadii doorashada, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu ahaa hoggaamiyaha guud ee doorashada dalka.

Mar wax laga weydiiyey eedeyntii Madaxweyne Laftagareen ee aheyd ‘warqadaha guddiga doorashooyinka meelo kale ayaa looga soo qoraa Muuse Geelle’ ayuu ku jawaabay, “Laftagareen marar badan ayuu waxaan jirin igu eedeeyey, weligiis R/Wasaaruhu wax nooma soo qorin, marka waa dacaayad nagala faafiyey.”

Muuse Geelle ayaa sheegay in doorashadaan ay aheyd tii ugu dhibka badneed, laakiin ay noqotay tii ugu laaluush bixin yareed, isagoo tusaale u soo qaatay kaalintii ay ku lahaayeen golaha wadatashiga qaranka oo ka baaraan degay arrimaha laaluushka.

29-kii bishii hore ee May ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala diray guddigii doorashooyinka heer federaal, isagoo ku amaanay shaqadii ay qabteen, xilligaas Rooble wuxuu ka war helay wadahadal hoose oo xubno ka tirsan guddiga ay kula jireen Fahad Yaasiin oo doonayey in guddigu uu fasaxo kursigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM

Jubaland oo Wadahadal ugu baaqdey dowladda Soomaaliya

Wasiirka oo VOA ay wareystay ayaa ka hadlay soo noqoshada uu Kismaayo ku soo noqday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Kenya.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 07:20AM