Sacuudiga iyo Soomaaliya oo bilaabay fulinta heshiis iskaashi amni

Image
Wafdi ka socda Riyadh iskuna jira khuburo iyo saraakiil ciidan ayaa soo gaarey Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Boqortooyada Sucuudiga oo ka duulaysa heshiis iskaashi Milatari ah oo ay horay ula gashay dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa khuburo iyo saraakiil ciidan u soo dirtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weftigaan ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho booqday xerada ciidanka ee Gen Gordan oo ah goob uu Emarat-ku ciidamo ugu tababaro Soomaaliya, waxaana lafilayaa in lagu wareejiyo saldhig ay ciidamo ugu tabbaari doonaan DFS.

Maraykanka, Turkiga iyo Emarat-ka Carabta ayaa horay saamayn ciidan ugu lahaa Soomaaliya, waxaase sanadihii ugu dambeeyey kordhay tirada dowladaha shisheeya ee doonaya inay ku lugyeeshaan dibudhiska ciidanka Soomaalida, inkastoo khuburada ammaanku tuhunsan tahay inay mustaqbalka fog saamayn gurracan ku yeelan doonaan ammaanka gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM