Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Image

Riyadh — Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku jirta marxaladda ugu dambeysa ee heshiis ku saabsan isbahaysi ciidan oo cusub oo ay la yeelaneyso Soomaaliya iyo Masar, tallaabo qeyb ka ah dadaalkeeda ay ku doonayso in ay xaddido saameynta Imaaraadka Carabta ee gobolka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in uu dhowaan u safro Sacuudi Carabiya si uu u dhammeystiro heshiiskan, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee amniga Badda Cas iyo kor u qaadista wada shaqeynta militari ee dhinacyada, sida ay xaqiijiyeen laba qof oo arrinta ka warqaba.

Heshiiskan la qorsheynayo ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya toddobaadkan baabi’isay heshiisyo dhanka amniga iyo dekedaha ah oo ay la lahayd Imaaraadka Carabta, kadib markii ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay madaxbannaanideeda, gaar ahaan arrin la xiriirta qaadista hoggaamiye ka tirsan gooni-u-goosatada Yemen oo la marsiiyay dhulka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadMas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.aadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka. Xiisadda u dhaxeysa labada dal ee xubnaha ka ah OPEC+ ayaa cirka isku shareertay kadib markii Boqortooyadu ay Imaaraadka ku amartay in uu ciidamadiisa kala baxo Yemen, iyadoo Sacuudi Carabiya ay doonayso in ay yareyso saameynta ay halkaas ku leedahay Abu Dhabi.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer taageero siyaasadeed u muujinaysay midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, inkastoo aysan bixin taageero militari oo ballaaran. Heshiiskan cusub ayaa noqon kara markii ugu horreysay ee Riyadh ay si toos ah u xoojiso amniga iyo awoodda milatari ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in heshiis la diyaarinayo, balse uu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah. Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Sacuudi Carabiya iyo wasaaradda difaaca ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan arrintan, sidoo kalena Masar kama aysan hadlin su’aalo la xiriira heshiiska.

Imaaraadka Carabta ayaa sannadihii u dambeeyay kordhiyay joogitaankiisa Afrika, isagoo maalgelin iyo taageero siinaya dhinacyo militari oo ka jira dalal ay ka mid yihiin Liibiya iyo Suudaan, isla markaana maalgeliyay dekedo ku yaalla Berbera oo Somaliland ah iyo Boosaaso oo Puntland ah. Inkastoo Imaaraadku marar badan xaqiijiyay ixtiraamka midnimada Soomaaliya, tallaabooyinkan ayaa abuuray muran siyaasadeed.

Go’aanka Soomaaliya ay ku jartay xiriirkii Imaaraadka ayaa yimid kadib markii Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, tallaabo si adag ay u cambaareeyeen Sacuudi Carabiya, Masar iyo Turkiga. Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale hoggaamisay dadaal ay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ku diideen waxa ay ku tilmaameen tallaabo sharci-darro ah oo halis ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Masar ayaa dhankeeda sanadkii hore heshiis gaar ah la gashay Muqdisho, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iskaashiga militari iyo tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM