Saddex beelood oo ku heshiiyey degamda Dhuusomareeb

Image

March 22, 2015 (GO)- Saddex beelood ayaa heshiis ku kala saxiixdey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Beelahan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug waxay isku afgarteen inay is cafiyaan, is kaashadaan deris wanaagna ku wada noolaadaan.

Isimadda, cuqaasha iyo aqoonyahanka saddexda beelood ayaa si rasmi ah heshiiskaas qalinka ugu duugey.

Munaasabaddii lagu saxiixayey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo bogaadiyey heshiiska kuna baaqay in si dhaqso ah loo dhaqan geliyo.

Heshiiska degmada Dhuusomareeb shalay lagu saxiixey ayaa kusoo aadaya xilli uu gaba gabo ku dhow yahay shirka maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegay in maamulkaas aan la dhisi karin iyadoo aanay beelaha gobolka wada degaa dhexdooda ka heshiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM